Loogu talagalay Ganacsatada

Kordhinta JobKeeper

Lacag bixinta JobKeeper, oo markii hore ahayd inay socoto ilaa 27 Sebtember 2020, waxay sii socondoontaa inay u furnaato ganacsiyada u qalma (oo ay ku jiraan kuwa iskood u shaqeysta) iyo kuwa aan macaash doonka ahayn illaa 28 Maarso 2021.

Soo koobista isbeddelada soo socda fadlan tixraac treasury.gov.au/coronavirus/jobkeeper/extension.

Lacagta bixinta JobKeeper

Lacagta JobKeeper ee Dowladda waa kabitaan ku meelgaar ah ee ganacsiyada ay saameynta weyn ‘coronavirus’.

Loo shaqeeyeyaasha u qalma, ganacsatada keli-dood ah iyo hay'adaha kale waxay codsan karaan inay helaan lacag-bixinta JobKeeper ee loogu talagalay shaqaalahooda u-qalma. Tan waxaa loo siinayaa loo shaqeeyaha wixii ku soo hara oo bil walba ay ATO hesho.

Ganacsiyadahu waxay iska diiwaangelin karaan Lacag-bixinta JobKeeper iyadoo loo sii marinayo Xarunta Ganacsiga ee (Business Portal ATO), adeegyada internetka ee ATO iyadoo la adeegsanayo myGov haddii aad tahay ganacsade kaligiis ah, ama adigoo adeegsanaya canshuurta diiwaangashan ama wakiilka BAS.

Macluumaadka ku saabsan taageerada jira ee JobKeeper iyo ka caawinta ee laga heli karo ATO booqo www.ato.gov.au/JobKeeper.

Hubinta socodka kaashka si loo bixiyo biilasha iyo mushaarka

Ganacsiyada u qalma iyo ururada aan faa'ido doonka ahayn (NFP) ee shaqaaleeya shaqaalaha waxay heli doonaan inta u dhaxaysa $ 20,000 ilaa $ 100,000 lacagta lagu kodcinayo dhaqaalahood ka baxa iyagoo xareya bilaha ama saddexdii billood laha bayaanadooda waxqabadka laga bilaabo bisha Maaraj 2020 ilaa Sebtember 2020.

Ka hel wax intaa ka badan:

Tababbarka iyo tababartayaasha

Dowladda waxay taageereysaa sii wadida hormarinta xirfadaha shaqaalaha ee Australiya waxayna ka caawineysaa ganacsatada sharciga u leh inay lahaadaan khibrada shaqo iyo tababarayaasha iyagoo siinaya kabitaan mushahar 50 boqolkiiba ah illaa $ 21,000.

Ka hel wax intaa ka badan:

Daynta iyo amaahda

Qorshe dammaanad qaadis Coronavirus SME cusub macnaheedu wuxuu yahay inaad awoodi kartid inaad amaah dheeraadka ah uga heshid amaah-bixiyeyaasha kaqeyb galaya si ay kuu taageeraan bilaha soo socda.

Dawladdu waxay siin doontaa damaanad 50 boqolkiiba amaahiyeyaasha SME amaahda cusub ee aan sugnayn ee loo isticmaali doono raasamaalka shaqeeya.

Dowladdu waxay sidoo kale bixineysaa ka-dhaafis waajibaadka amaahda ee mas'uuliyadda ah ee amaah-bixiyeyaasha oo ku amaanaya macaamiisha ganacsiyada yaryar ee jira.

Ka-dhaafitaankan ayaa ah lix bilood wuxuuna quseeyaa deyn kasta oo loo leeyahay ujeeddooyin ganacsi, oo ay ku jiraan amaah cusub, kordhinta xaddiga amaahda iyo kala-duwanaanta amaahda iyo qaab-dhismeedka.

Taageeridda gobollada iyo waaxaha

Dawladdu waxay u qoondeysay $ 1bilyan oo doolar si loo taageero bulshooyinka, gobollada iyo warshadaha oo si weyn ay u saameeyeen dillaaca cudurka Coronavirus. Lacagtaan waxaa loo heli doonaa in lagu caawiyo inta uu cudurku dillaacay iyo in laga caawiyo dib u soo kabashada. Intaas waxaa sii dheer, Dowladdu waxay ka saacideyneysaa baayacmushtarka diyaaradaha iyada oo loo marayo xirmo ilaa $ 715 milyan ah.

Qorshaha JobMaker talaabooyin ku meel gaar ah oo lagu taageerayo ganacsiyada

Iyada oo qayb ka ah Miisaaniyadda 2020 - 21, dawladdu waxay hirgelinaysaa tallaabooyin dhowr ah oo lagu caawinayo ganacsiyadu inay ka soo kabtaan saameynta cudurka faafa ee coronavirus (COVID-19).

Tallaabooyinkani waxay la xidhiidhaan sheegashada dhimista canshuuraha, jarista, iyo qiimo dhaca hantida waqtiga canshuurta. Waxay ka taageeri doonaan ganacsiyada in ay ka gudbaan saamaynta dhaqaale ee COVID-19 sannadaha maaliyadeed ee 2020 - 21 iyo 2021 - 22.

Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah:

  • JobMaker lacagta Shaqaaleeyanta
  • Bixinta kharashaadka oo buuxda oo ku meelgaar ah
  • Dib u qaadis Khasaare
  • Taageerida maal gashiga ganacsiga - qiimo dhaca soo deg degay
  • Diiwaangelinta hantida degdegga ah
  • Kordhinta heerka ganacsi ee ganacsiga yar yar

Macluumaad intaa ka badan, tag ato.gov.au/JobMakermeasures