Talaalada COVID-19
Waxaan ku dhiirigelinaynaa qof kasta oo ku nool bulshada Australiya in la tallaalo. Tani waxay waafaqsan tahay talada caafimaadka.
Tallaalka COVID-19 waa u bilaash qof kasta oo Australia jooga, oo ay ku jiraan:
- Dadka haysta fiisaha Australia
- booqdayaasha dibadda
- ardayda caalamiga ah
- shaqaalaha soogalootiga ah
- magangalyo-doonka, iyo
- dadka aan haysan fiisaha saxda ah.
Marka dadka Australia la tallaalo, macluumaadka ku saabsan socdaalkooda ama xaaladdooda dhalasho lama ururiyo.
Uma baahnid inaad u qalantid ama aad iska diiwaan gelisid Medicare si aad u heshid tallaal COVID-19 oo bilaash ah. Si aad u heshid xarun caafimaad oo aanad u baahnayn kaadhka Medicare, isticmaal COVID-19 Vaccine Eligibility Checker (Hubiyaha u-qalmitaanka Talaalka COVID-19).
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka tallaalka COVID-19 ee luqaddaada, booqo COVID-19 vaccine information in your language (macluumaadka tallaalka COVID-19 ee luqaddaada).